CAMBAABUR PODCAST | #01 | CILMIBAADHISTA SOOMAALIYEED WAA MAXAY? | MUSTAFE FAYRUUS. (1/3)

Avalites Foundation
Avalites Foundation
1 هزار بار بازدید - 4 سال پیش - Cambaabur Podcast waxa aan ku
Cambaabur Podcast waxa aan ku bilaabaynaa Mustafe Fayruus.

Mustafa Feiruz wuxu madax ka yahay Machadka Cilmibaadhista Soomaaliyeed ee raacsan Jaamacadda Muqdisho. Sidoo kale Jaamacadda Muqdisho ayuu ka dhigaa cilmiga afafka, suugaanta, daraasadaha Soomaaliyeed iyo daraasadaha Afrika. Waxa kale oo uu ka tirsanyahay Naadiga Halabuurka iyo Qalinlayda Soomaaliyeed (SomaliPen) iyo Akadamiyad Goboleedka Af Soomaaliga-AGA.

Mustafe Fayruus waxa aan kala sheekaysannay fadhigan iyo labada xigaba waxa ay tahay cilmibaadhista Soomaaliyeed (Somali Studeis), sida ay u curtay iyo duruufihii curiyay, arrimaha lagu darso, qaddiyadaa lagaga hadlo iyo halka ay kaga jirto aqoonaha kala duwan.

Sidaas oo kale waxa aan ka waraysannay dugsiyada kala duwan ee ka jira daraasadaha Soomalaiyeed, sida ay dugsiyadaasi u oo kala kobceen iyo marxaladaha taariikheed ee ay soo mareen. Sawir guud waxa uu sidoo kale naga siiyay haayadaha ka shaqeeya daraasadahan, culaysyada haysta iyo meelaha ay horumarinta uga baahantahay.

Waxa kale oo aan ka hadalnay waraysigan furan haayadaha loo yaqaanno "ThinkTanks" shaqada ay qabtaan iyo mudnaanta ay leeyihiin. Sida ay uga jiraan carriga Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo.

Qaybtii koobaad ka dhagayso lingaxyada ku jira faallooyinka, ku soo biir saaxibada Avalites oundation oo "subscribe" saar meesha aad ka dhagaysanayso, labada qaybood ee soo socda iyo kuwa cusubba halkaas kala soco.


Halkan kala soco Mustafe Fayruus:
Facebook: MustafaFeiruz


Dhagaysi wacan.
4 سال پیش در تاریخ 1399/06/11 منتشر شده است.
1,077 بـار بازدید شده
... بیشتر