Sida looga dhigo MASHRUUCAAGA waxbarasho ciyaar dahabiya | 5 Qodob oo ku caawin doona 🎯

Bravo College
Bravo College
7.9 هزار بار بازدید - 4 ماه پیش - Qodobka 1aad ee dheesheenna Waxbarasho
Qodobka 1aad ee dheesheenna Waxbarasho waa

1. Caqliyad Waxbarasho [ Study Mindset ]

Inta badan ardaydu iyagoon u heelanayn tacliinta oo waxyaalo kale mudnaanta siiya ayay dhacdaa haddana inay ka cawdaan calaamadaha hoose eey hantaan .

Ma dhacaysaa inuu beeroole geedihiisa ka doono inay midho dahaba u dhalaan ? Waa waxaan suurtoobayn .

Si aad dheeshaada-tacliimeed ugu gacan sarrayso waa inay caqliyadaada waxbarasho xooggan tahay . Tusaale ahaan waa inaad leedahay YOOLAL waxbarasho oo cadcad kana dhigato routine shaqadooda . Qoondo-saacadeed oo gaarana u xidhato waqtiyada aad rabto inaad tacab tacliimeed samayso . Muhiim maaha inaad saacado badan wax diyaariso . Laba ama saddex saacadood oo aad joogtayso maalinkasta awoodaadana isugu gayso ayaa natiijooyin yaaba kuu dhali doona .

Sidoo kale Qaar kamida siraha ka dambeeya guusha Ardayda Sare waxa kamida inay u adeegsadaan erayga MAYA waxyaalaha kala dhantaalaya khalwadooda-tacliimeed .

Ma tagnaa suuqa si aynu usoo yara qaxwayno ? MAYA

Maad ila soo daawan Film cajiiba oo hadda soo baxay ? MAYA

Maad nala soo ciyaari kubbad ? MAYA

Haddaa berri maad noo raaci dalxiis aannu ugu baxayno buurta Gacan-libaax ? MAYA

Ma jirto CID kuu magdhabi doonta waqtigayada ay kaaga qasaariyaan waxyaalaha macno darrada ah haddii aad dabinka ku dhacdo balse Isticmaalka Erayga MAYA waa mid kamida waraaqaha aad dheeshaada tacliimeed ku macaashi doonto.

2. Xeeldheeri fahanka Nuxurka [ Deep Conceptual Learning ]

Inka badan inta aynu nuxurka fahanno ayaynu diiradda saarnaa inaynu korka ka qabanno dabadeed innagoo indhaha isu hayna ayaynu xogaha iyo detailska maaddooyinka aynu dhiganno korka ka shubnaa taasi oo waqti kooban inoo shaqaysa.

Deraasad ay sameysay Khuliyad Waxbarasho ayaa sheegaysa in ardayda , nuxurka fahamta , ka fekerta , falanqaysa ee wax iska weydiisaa ka xeeldheer yihiin ardayda Korka ka xafidda conceptka ama nuxurka .

Taasoo muujinaysa sida ay muhiim u tahay inaad si xeeldheer u fahanto nuxurka maadada aad diyaarinayso halkii aad ka xifdiyi lahayd .

3. Curi Degaan-Waxbarasho [ Create Study Area ]

Sida badan waxaynu adeegsannaa Multipurpose-room oo ah hal qol oo aynu u isticmaalno Ujeedooyin kala duwan , cibaado , nasasho , seexasho , jimicsi iyo tacliin intadaba .

Haddii qolkaas goob kamida aad miis iyo kursi si gaara u dhigto una aqoonsato goob waxbarashada kuugu gooni ah , markasta oo aad miiskaa fadhiisatana aad toos u bilawdo mashruucaaga waxbarasho , naftaadu waxay ku carbismi doontaa shaqada tacliimeed .

Siraha qurxiya jawiga waxbarasho waxa sidoo kale kamida ku xidhnaanta asxaab-tacliimeed . Ardayda la derista qolyaha waxbarashada masterska ku ah inta badan waxay helaan natiijooyin ka fiican ardayda kale maadaamo ay wax la diyaariyaan ardaydaas . Soomaalideennu waxay tidhaa Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa .

Taladan meel ku qoro wixii maanta Kadambeeya ha moogaan inaad doonni la fuusho ardayda sare si aad Yoolkaaga uga dhabayso.

Sirtaasoo qudheedu ah mid dheeshaada ka dhigi doontaa mid aad adigu hoggaanka u hayso .

4. Hal-diyaarin kuguma filna [ One study not enough ]

Arday badani waxay ku dagmaan aragtida tidhaa Imtixaanka maalmaha ka horreeya ayaa la diyaariyaa Casharrada . Haddii aad dhibbane u tahay figraddan waxaan kuu hayaa xal .

Isticmaal farsamada Pomodoro si aad amateed ugu hesho diyaarinta casharrada , Pomodoro waa xeelad uu hindisay nin taliyaaniya lana dhaho Francisco Crillo oo ahaa waqtigaas arday , kadib markii ay naftiisu Iska soo taagtay raacashada duruusta tacliimeed si uu amateedkiisa waxbarasho kor ugu qaado . Waa xeelad fududaynaysa shaqada tacliimeed , waxaanay odhanaysaa . U qaybi 1kii Saac 2 qaybood oo min 25 daqiiqo ah , 25kaas minute oo aad wax diyaarinta si xidhiidha u wadayso , 25kii daqiiqadoodba markaad dhammayso qaado 5 daqiiqo oo nasasho ah sidaas u wad illaa aad dhammaynayso hawshii tacliimeed ee qorshahaaga ahayd .

Xeeladan oo faahfaahsan waxaannu ku sharaxnay koorsada Maaraynta wakhtiyada ee aannu Onlineka ku bixinno .

5. Nasashooyin [ Use Breaks ]

Markasta oo shaqo la qabanayo waa Lama huraan in nasasho la socoto si goordhaw shaqada inta hadhay firfircooni dheeraada loogu sii wado .

Qormo ay Jaamacadda UCL ku daabacday Websitekeeda ayaa lagu xusay qaar kamida faa'iidooyinka nasashada sida , kobcinta Xasuusta,  Samaynta firfircooni dheeraada , horumarinta caafimaadka iyo kordhinta curinta .

Nasashadu waa qodob kale oo dheeshaada tacliimeed macne u yeeli doona , Focuskaagana laba jibaaraya .

Timestamps

00:00 Hordhac ( Introduction )
00:29 1. Caqliyad Waxbarasho
01:32 2. Xeeldheeri fahanka nuxurka
02:02 3. Curi degaan waxbarasho
02:48 4. Hal diyaarin kuguma filna
03:35 5. Nasashooyin ( Breaks )
03:59 Khulasada Muuqaalka
04:11 Talo iyo codsi
04:44 Barnaamijka maaraynta waqtiga

nagala soo xidhiidh what's appkan : +252659718598
4 ماه پیش در تاریخ 1402/12/10 منتشر شده است.
7,973 بـار بازدید شده
... بیشتر