Oraahyo Shiinays ah + Qaar kale | Maskaxda xidhani waa sida buug xidhan amaba qolof ALWAAX ah 👀

Bravo College
Bravo College
20.9 هزار بار بازدید - 10 ماه پیش - Waqtiyada farxadda weyn ha qaadin
Waqtiyada farxadda weyn ha qaadin ballamo . Keydka dunida oo dhammi uma dhigmo gabadha wanaagsan. Marka ay digaagaddu shaqadii diigga xerada ka dhex  bilawdo ayay wax waliba kharribmaan Xittaa indhoolaha ayay u suurta gashaa inuu arko lacagta Ninka waxgaradka ahi isagaa go'aamadiisa goosta halka ninka maangaabka ahi raaco aragtiyaha dadka kale Haku lumin Tamartaada ganista leebka illaa aad ogaato bartilmaameedkaaga Waqtiga wanaagsan ee ay ahayd inaad geed beerto wuxu ahaa 20 sano ka hor waqtiga kasii wanaagsanna waa maanta . Dahabku qiimuu leeyahay laakiin xigmadda ma jiro wax qiime ah oo jari kara Si aad u ogaato caqliga ruuxa dhegayso hadalkiisa Beer fikrad si aad u goosato dhaqaaq , beer dhaqaaq si aad u goosato Caado,  beer caado si aad u goosato shaqsiyad , beer shaqsiyad si aad u goosato MUSTAQBAL wanaagsan. Ninka fakara intaanu hadlin waa waxgarad , ninka hadla intaanu fakarin waa maangaab. Aqoonyahanku waxay ka hadlaan afkaartooda , waxgaradkuna waxay ka hadlaan shaqooyinkooda , Maangaabkuna  waxay ka sheekeeyaan cuntooyinkooda Sida ay biyaha webigu ugu laabtaan badda ayay waxa uu bixiyaana ugu laabtaan ruuxa deeqsiga ah . Huga iyo xidhashada raggu waa aftahannimada , huga haweenkuna waa dahabka Timestamps 00:00 Waqtiyada farxadda weyn ha qaadin ballamo 01:11 Huga iyo xidhashada raggu waa aftahanimada .. 01:51 Inaad furato dukaan waa arrin fudud laakiin ... 02:29 Haw sheegin hooyadaa waxyaalaha ku ..... 02:40 ILAAHAYBAA arsaaqa shimbir kasta laakiin .... 02:55 Haddii aad rabto sannad badhaadhe ah ..... Xeeldheeruhu waa ruuxa hadla waxyar waxbadanna fakara . Suurtagal maaha qabashada bisad madow oo qol madow joogta haddii aanay jirin astaan caddaynaysa joogitaankeeda Waxyaalaha rakhiiska ahi ma wanaagsana , waxyaalaha wanaagsanina rakhiis maaha Ha tirsanin digaagadda beedka ku jirta ka hor dillaacista beedka Ka Farxi kuwa kuu dhow , si ay kuwa kaa fogi kuugu soo dhawaadaan . Boqorku xaqiiqdii waa mid maalqabeen ah laakiin Awood uma leh inuu ka gato malagga sannad dheeraada . Si kastoo aanad shimbiraha uga joojin karayn inay korkaaga duulaan , haddana waxaad awood u leedahay inaad ka joojiso inay madaxaaga hoy ka dhigtaan Inaad furato dukaan waa arrin fudud laakiin inuu muddo kuusii Furnaado waa hal-abuur Haka dhigan yaxaas saaxiib xittaa haddii uu muujiyo inay ilmo badani uga timid dartaa Ninku waa madaxa qoyska laakiin gabadhu waa qoorta sidda madaxa Ruuxa garaadka weyn Lihi wuxu u beddalaaa mushkiladaha dhibaatooyin yaryar illaa ay ka noqdaan kuwo aan jirin Inaad daarato shamac ayaa kaaga roon inaad aflagaadayso mugdiga . Noloshu waa dagaal . Dagaal aad kula jirto naftaada , dagaal aad kula jirto duruufahaaga iyo dagaal aad kula jirto kuwa liitta ee abuuray duruufahaaga . Midka aan qoyskiisa anfac u lahayni cid kalena anfaci maayo marnaba . Ha u sheegin hooyadaa waxyaalaha ku murugo gelinaya maxaa yeelay waxay murugoonysaa laba jibbaarka murugadaada wax ka badan Haddii aad damacdo inaad dheesho waa inaad taqaan xeerarka iyo waqtiga dheesha ILAAHAYBAA arsaaqa Shimbir kasta laakiin cufka guudkiisa maaha . Dadka ugu beenta badani waa kuwa in badan naftooda innooga sheekeeya . Inaad maskaxdaada ku qurxiso Aqoon ayaa boqol jeer kaaga wanaagsan inaad jidhkaaga lebbis wanaagsan ku qurxiso . Haddii aad rabto sannad badhaadhe ah beer midho , haddii aad rabto toban sano oo badhaadhe ah beer geedo haddii aad rabto boqol sano oo badhaadhe ah beero dad , haddii aad rabto badhaadhe kuu waarana beer cibaado kugu xidha RABBIGAA . Xittaa dacawga hurdaa wuxu ku riyoodaa digaagad Haddii aanad dhoollacdayn karayn ha furan dukaan Musiibooyinku maaha dhammaadkii dariiqa balse waa bilawga fursado cusub . Maskaxda xidhani waa sida buug xidhan amaba qolof alwaax ah
10 ماه پیش در تاریخ 1402/09/22 منتشر شده است.
20,984 بـار بازدید شده
... بیشتر