Tartanka Fardaha Soomaaliyeed ee Xudun

Sollas Media
Sollas Media
68.2 هزار بار بازدید - 10 سال پیش - Bandhig loogu magac daray todobaadka
Bandhig loogu magac daray todobaadka fardafuulka Soomalida ayaa lagu qabtay dooxada Xuddun oo waqooyi kaga aadan magaaladda Xuddun ee gobolka Sool.
Bandhigan oo ay ka qayb qaadayeen fardafuulo, fardo caanku degaankaas iyo rag aqoon u leh gamaanka ayaa looga goleeyahay sidii loo soo celin lahaa dhaqashada iyo xanaanada gamaanka.
Qabanqaabada bandhigan oo ay lahaayeen waxgarad degmada Xudun ka soo jeeda ayaa laysugu keenay fardo dhedig iyo lab isugu jira kuwaas oo ka kala yimi degaano kala duwan ayaa la sheegay inuu socon doono mudo todobaad ah oo ku eg 27ka bishan aan ku jiro.
Maxamed Jaamac Mahad ayaa ka warbixyey qaab ka uu u socon doono barnaamijkan oo uu sheegay in maalin walba ay tartan geli doonaan qaar ka mid ah fardaha iyo fardafuulka, waxaana lagu qiimaynayaa ayuu yidhi qaabab badan oo ay ka mid tahay tababarka uu qabo farsku.
Gudoomiyaha gudigan Axmed Cali Faarax ayaa ayaa halkaasi ka sheegay sababta ku kaliftetey in ay hawshan ku talaabsadaan iyadoo aanay jirin cid ka gacan siinaysa marka laga reebo buuyidhi Khadar Maxamed Xaashi oo ka mid ah qurbajoogta dalka Ingiriiska ku dhaqan.
Waxa kale oo uu u mahad celiyey shaqsiyaad dhiirigelin ku taageeray iyo shirkado balanqaadyo ay ka soo gaadheen oo uu ka xusay shirda isgaadhsiinta Telesom oo halkaasi agabkeeda xayeysiis ku shaqlanaa.
Xasan Maxamuud Dhiilood oo ah siyaasi xilka wasiirnimo ka gaadhey maamulka Puntland sanadkii 2000 oo isagu keenay fikirka hawshan lagu soo qaban qaabiyey ayaa waxa uu sheegay inay ku kaliftey markuu arkay iibka lagu hayo gamaankii oo loo dhoofinayo wadanka Jabuuti khaasatan nooca suunaariga loo yaqaan.
Xasan waxa ka codasaday masuuliyiinta Jabuuti inay joojiyaan qaabka haatan wax loo wado oo ay ka qayb qaataan sidii wadanka gudihiisa loogu xanaanayn lahaa isla markaana si sharciya ay ugu qaadan lahaayeen.
Qaar ka mid ah raga sida aadka ah u yaqaan gamaanka ayaa waxay halkaasi kaga warameen sidii ay farduhu ahaan jireen iyo heerka ay manta taagan yihiin, waxaanay qayladhaan ka direen badbaadinta gamaanka khaasatan fardaha oo gaajo, dugaag iyo dad dhoofinayaa.
10 سال پیش در تاریخ 1393/04/05 منتشر شده است.
68,258 بـار بازدید شده
... بیشتر