Gabaygii Jiinley ee Sayid Maxamed u Tiriyey Boqor Cismaan (lyrics)

Sollas Media
Sollas Media
459.7 هزار بار بازدید - 7 سال پیش - Sheekada Gabayga Daraawiish oo taala
Sheekada Gabayga

Daraawiish oo taala Doollo, Ingiriis, Talyaani iyo Xabashina colaadi u dhaxayso, ayuu Sayidku wuxuu isugu yeedhay nimankii Qusuusiga ahaa ee uu la tashan jiray.  Wuxuu yidhi: Doollo waa oomane,  ceelasha Doollo biyo innagu filan ka heli mayno.  Maxaan Daraawiish iyo dariiqada ugu talinaa?  
Waxay Qusuusigii isku raaceen in Bari dariiqada loo raro.  Si howshaa loo fuliyo taageerana uu uga helo Soomaalida dhulkaa ku nool wuxuu Sayidku waraaq u diray Boqor Cismaan.
Boqor Cismaan wuu u soo jawaabay Sayidka wuxuuna yidhi " soo guura taageero iyo garabba na waad naga helaysaane."  Daraawiishi dhanbaalkaas waa ku faraxday safar dheer ayey Bari u galeen .

Xidhiidhkaa iyo balantaa Sayidka iyo Boqor Cismaan dhexmaray ayuu Ingiriis  maqlay.   Ingiriis-kii  wuxuu u cagajugleeyey Boqor Cismaan oo wuxuu soo faray fariin ah: haddii aad Boqor Cismaanow Sayidka la heshiiso waan ku weerarayaa , adiga iyo Daraawiishna isku si ayaan idiinla dirirayaa.
Hanjabadaa ayaa cabsi galisay Boqor Cismaan, balantiina halkaa ayuu kaga baxay.  Intaa ka dib, Daraawiishi dhinacaa iyo Ayl ayey u baydhay.  Sayid Maxamed ayaa dabadeed tiriyey gabaygan uu kaga waramayo socdaalkii dheeraa ee uu soo galay iyo jirrabkii kala duwanaa ee uu soo maray.
7 سال پیش در تاریخ 1396/12/25 منتشر شده است.
459,784 بـار بازدید شده
... بیشتر