JAMAAHIIRTA | DHAANTO | CUSUB | BY ABWAAN AYAANLE SAAKIN | 2023 |

FANSOOR MEDIA
FANSOOR MEDIA
70.5 هزار بار بازدید - پارسال - Dhaantadii JamaahiirtaErayada iyo laxanka iyo
Dhaantadii Jamaahiirta
Erayada iyo laxanka iyo codkaba
Abwaan Ayaanle saakin
Music: Beele
 

Daraawiish jihaad
Jaliilkeen baa baro
Sida jibin dhacday
Jugux cadawga siin

Nin darwiish jaleecday
Inuu jarayn
Ka jaqaafin nolol
Jeer horaa laysku qiray

Ragii koofil joojiyee
Rubada jaray
Ee ku jeesjeesay miyaa
La jirabi karaa??
       Kooraska
Jamaahiirtii SSC
Marnabasoo jeedsaniyo
Jeeshka cadawga jare
Durba jabiyayoow
Ha jarmaadaan nacabke
Ha ujixin jicina
        Page2
Jamahiirtu markii
Aay ujilib dhigeen
Jibaadkooda baxi
Dadku jiifi waa

Markii jiida hore
Jamacoodiiku go’ay
jibaadkii ka baxay
Dadkii jiifi waa!

Jugtii gaadhay durbaba
Jaanta wada rogeen
Jahwareerkii ku dhacay
Afkii baa juuqna gabay

Jariimadaay galeen
Jasadeedii weeye
Horey joog udiideene
Soo jiifsa dhaha
     Kooraska
Jamaahiirtii SSC
Marnabasoo jeedsaniyo
Jeeshka cadawga jare
Durba jabiyayoow
Ha jarmaadaan nacabke
Ha ujixin jicina
پارسال در تاریخ 1401/12/04 منتشر شده است.
70,526 بـار بازدید شده
... بیشتر