Hadaad rabto inay gabadhaadu ku jeclaato Shantaan qodob ku dadaal sh mohamed idiris

Qanso SomaliTv
Qanso SomaliTv
38.3 هزار بار بازدید - 8 سال پیش - Hadaad rabto inay gabadhaadu ku
Hadaad rabto inay gabadhaadu ku jeclaato Shantaan qodob ku dedaal sh mohamed idiris
TILMAAMAHA ZOWJKA (NINKA) SAALIXA AH.
Caa,isha RC, waxay ka warisay Nabiga CSW, Xadiis Oranaya إن النساء شقائق الرجال, sidaa darteed Raggu waxaa Cajabiya Dumarka Wanaagsan, sidoo kalana Dumarku waxaa Cajabiya Ragga Wanaagsan mar haday sidaa tahay haweenaydu waxay Xaq u leedahay inay Doorato Nin u Qalma ama Wanaagsan oo Saalix ah, waliba waxaa ku waajib ah Aabaha ama Ruuxa Waliga ka ah Gabadha Muslimada ah inuu u Dooro Nin Wanaagsan oo Diin u Saaxiib ah.
hadaba Doorashada wanaagsan waa mida kuu horseedaysa Tilaabada Koowaad ee Guurka iyo Guri ku Dheehan tahay Kalgacalo iyo Raxmada, Tilmaamaha Zawjka (Ninka) Saalixa ah oo badan waxaan ka soo Qaadanaynaa:
1) MID DIIN U SAAXIIB AH.
Alle wuxuu yiri {وَلَعَبْدٌ مُّؤْمِنٌ خَيْرٌ مِّن مُّشْرِكٍ وَلَوْ أَعْجَبَكُمْ } ( البقرة 221 )
sidaa awgdeed Ninka Diinta u Saaxiibka ah haduu Jeclaado Lamaanihiisa wuu Karaamayni oo wuu Sharfi haduu kala Kulmo wuxuu ku Naco ama uusan Jeclaysan ma Dulminayo Ninka Diinta u Saaxiibka ah ma dulminayo Haweenaydiisa hadduu Caroodo kana Hijroonmaayo sabab La'aan ama wax aan Macno lahayn uga Tegi maayo Xaaskiisa, kulamana Dhaqmaayo Mucaamalo Xun, mana Aflagaadaynayo Afadiisa iyo Ehelkeeda midna, Gurigiisana ma keenayo wax Alle Xarimay.
Haddaba, waxaa loo baahan yahay Waliga ama Waalidka Gabadha Dhalay ama Masuulka ka ah inuu iska Fiiriyo Ninka uu ku Aaminayo Gabadha, waana inuu Fiiriyo Akhlaaqdiisa iyo Diintiisa intuba maxaa yeelay mar haduu dhaco Nikaaxa waxay Galaysaa Gabadhaada Gacanta Ninka aad ku Xirtay, sidaa darted hadaad siiso Nin Faasiq ah ama aanan Tukanin ama Khamrada Cabba waxaad Khiyaantay Gabadhaadii iyo Amaanadii Alle uu kugu Amaansaday Alle hortiisana waa lagu Su'aali, sidaa awgeed ku Dadaal inaad Gabadhaada u Gacan galiso Nin Diin u Saaxiib ah haba ahaado Faqiir aan waxbo haysan.
2) INUU KITAABKA ALLE WAX KA YAQAAN.
Tilmaanta Labaad ee laga doonayo Ninka Wanaagsan ee lagu dooranayo Zawjka Saalixa ah waxay tahay in uu kitaabka alle wax ka yaqaano haduusanba ahayn Xaafid Qur'aanka oo dhan waana Shardi muhiim ah in ay Gabadha Muslimada ah ay ku doorato Lamaanaheeda ay noolasha la wadaagayso nin wax ka yaqaano kitaabka ilaahay qisooyinka dhacay xilligii nabiga iyo saxaabadana aad ayay u fara badan yihiin waxaa dhici jirtay in ay gabadhahooda siiyaan nin adoon u ah oo kitaabka alle Xifdiyay iyo dhacdooyin la mid ah sidaana waxay u yeeli jireen inay ka Takhalusaan Dhaqamadii Xumaa ee Jaahilga laga Dhaxlay.
3) INUU KU SOO KORAY DEEGAAN WANAAGSAN.
ruuxa waxaa saamayn wayn ku leh deegaanka uu ku soo barbaaray haduu yahay deegaan diinta iyo cilmiga horsed u yahay ama uu yahay deegaan fisqi iyo jaahil hormuud ka yahay intuba ruuxa waxay ku yeelatdaa saamayn xoogleh sidaa awgeed nabigu wuxuu ku yiri hadiis ay soo saareen bukhaari iyo muslim kana wariyay Saxaabiga Siciid Ibnu Musayib RC,
” الناس معادن كمعادن الذهب والفضة ، خيارهم في الجاهلية خيارهم في الإسلام إذا فقهوا “.
Dadku waa macaadinta Dahabka iyo Qalinka oo kale waxa idinkugu Akhyaarsan kuwiinii idin kugu Akhyaarsanaa Jahiligii haday Diinta Fahmaan
4) NIN DABACSAN OO U TURA EHELKIISA (AKHLAAQ WANAAGSAN).

i
8 سال پیش در تاریخ 1395/02/24 منتشر شده است.
38,331 بـار بازدید شده
... بیشتر