Yaab🌟Mucjisada kusoo aroortay cuntadii iyo cabitaankii Rasuulka (scw)

Abdulaziz Oogle
Abdulaziz Oogle
273.2 هزار بار بازدید - 8 سال پیش - 💥 Fadlan khayrka sii faafi
💥 Fadlan khayrka sii faafi 💖 □👍
💥 https://play.google.com/store/apps/de...
💥 Nagala soco bogeena Facebooka Facebook: gaaldiid
💥 Facebook: abdulazizoogle
💥 Instagram: gaaldiiid
💥 http://gaaldiid.com/
💥 Twitter: hishaami
Fadhiiso markaad wax cunayso ama cabayso
Ugu horeyn waxaynu wax ka tilmaamaynaa qaabkii uu nabi Muxamed (scw) u fadhiisan jiray markuu rabo inuu cunteeyo ama uu cabitaan doono inuu cabo.
Nabigu wuxuu ahaa mid ku fadhiista ruugagiisa qaab kadaloob ah markuu rabo inaanu cuntada ku raagin sidoo kalena wuxuu ku fadhiisanjiray lugtiisa bidix sida fadhiga salaada oo kale. Waxaanu nabigu reebay in cuntada lacuno ayadoo la dingiigo. ” لا آكل وأنا متكيء”  Sidoo kale nabigu wuxuu diiday in cunto la cuno ayadoo caloosha loo jiifo ” نهى رسول الله صلى الله عليه وسلم عن الجلوس على مائدة يشرب عليها الخمر، وأن يأكل الرجل وهو منبطح على بطنه” Sababta ugu wayn ee nabigu qaababkaas uu ugu fadhiisanjirayna waxay tahay inuu iska ilaaliyo in cunto xad dhaaf ahi ay ugudubta calooshiisa, waana arrin u wanaagsan caafimaadka iyo saxada.
Cabidii Nabiga (scw)
عن أنس أن النبي صلى الله عليه وسلم زجر عن الشرب قائما
Anas wuxuu ka wariyey nabiga inuu reebay in wax lagu cabo taagni.
Sida xadiiska ka muuqata nabigu wuxuu reebay in wax la cabo ayadoo la taaganyahay, reebidaasina waa mid karaahiyo ah sababtoo ah waxa jira xadiisyo kale oo tilmaamaya inay banaantahay in lagu cabi kari taagni hase ahaatee sida ugu fiican ee caafimaadka u wanaagsan waa in fadhiga wax lagu cabo sidoo kalena lagu cuno. Maantana waxay culumada dhakhaatiirtu cadaysay in biyah lagu cabo taagnida ay dhib badan u leedahay caafimaadka taasoo sababt in biyuhu ay ku dhibcaan boog kamid ah caloosha sida biyaha harooyinka kasoo daata qaabka ay ugu dhacaan dhulka markay soo daadanayaan, sidaas awgeed waxa fiican in wax la cabo ayadoo la fadhiyo lagana fogaado cabitaanka marka aad taagantahay. http://gaaldiid.com/sermon/mucjisadii...
8 سال پیش در تاریخ 1395/08/06 منتشر شده است.
273,203 بـار بازدید شده
... بیشتر