5 YEARS 2 HASSAN’S 1 SIMILAR SPEECH (Hassan Khaire vs Hassan Sheikh)

Bartamaha
Bartamaha
54 هزار بار بازدید - 7 سال پیش - 5 YEARS 2 HASSAN’S 1
5 YEARS 2 HASSAN’S 1 SIMILAR SPEECH
#Somali people often quarrel over their leaders but they don’t know its the same thing with diff jerseys


5 SANO, 2 XASSAN 1 KHUDBAD
Waxaan gadaal ugu noqday khudbadihii UNGA laga akhriyey ilaa 2013kii waxaana ogaaday in Siyaasiyiinta Soomaalidu ay waxba ku kala duwanayn ee dadku ay mid la jiraan ama xulafo ahaan ama Jifa ahaan ama saaxiibtinimo ahaan.
Marka kulligeen waxaan kala taageeraynaa Barcelona iyo Real Madrid laakiin labadooduba waxay ciyaarayaan Banooni.
Muuqaalkan daawo khudbad walba oo UNGA laga jeediyey waxaa ay ahayd 20+ daqiiqo, waxayna isaga mid yihiin dhan walba. Horumarka, Caqbadaha, AMISOM, Shabaab, Abaaraha iyo wax hanalookugu deeqo.
Midda kale oo aan u fiirsaday waxay tahay in daqiiqadaha sanad walba madaxdeennu ay galiyaan dalabka lacagta loogu kordhinayo AMISOM oo ku shan jibaarmata tan ay ciidankeena uga hadlayaan, Madaxda qaar waaba ay ka tagaan inay lacag ugu raadiyaan SNA (Ciidankeenna) oo waxayba isla markiiba ay abaaraan sidii ay adduunka ugu weydiin lahaayeen lacag AMISOM, annagoo og tabarta AMISOM maanta iyo muhiimadda ciidamadeenna.
Anigu cidna mucaarad kuma ahi (Xasan Khayre iyo Xassan Shiikh) ee waxaan rabaa inaan halkan idinka tuso shacabka Soomaalida ayaa is waalayee siyaasiyiintu wax ay kala duwan yihiin malaha (Waxba mid gooni ha u aflagaadayn adoo kasoo horjeeda) midka aad taageerayso iyo kaad kasoo horjeedaba waa isku mid.
Ugu dambayntii waxaan walaalayaaloow idinkala dardaarmayaa hiyi raac ha noqonina, si fiican hadalada u dhuuxa, wax u baara, gadaal u eega waxay yiraahdeen, waayo hadaadan shalay ogayn waxay ahaayeen iyo meeshay taagnaayeen maanta ma fahmi kartid waxa ay sheegayaan.
Si hufan aan uga hadalno oo yaan lays xagxagan
SHARE & TAG
5 YEARS 2 HASSAN’S 1 SIMILAR SPEECH (Hassan Khaire vs Hassan Sheikh)
Somali people often quarrel over their head of states but what they don’t know is they’re politicians doing the same thing with different jerseys
7 سال پیش در تاریخ 1396/07/02 منتشر شده است.
54,000 بـار بازدید شده
... بیشتر