Xuseen shire & Shamso foot - Haraad hees cusub 2010

Gacal & Xigaal
Gacal & Xigaal
430.6 هزار بار بازدید - 14 سال پیش -
http://www.heegantv.com/ Haraad lyrics:

Shamso Food.

-Sidii hogol roob Jaceyl i helyoo,
Hurdaduu iga jarey habeen ma ladee
Hanaan wacanoo horyaalkii raggoow,
Nafteyda ka heshoo ma kaa harayee.
Biyo harac-laan haraad u dhintee,
hadaanan ku helin hog baan galiyoo,
Habaaska iyo ciidda la igu habsii


Hussein Shire.

-Anoo hamigeyga haween ka baxshaa,
markaan ku haqsadey haw la igu yiree.
Hablihii hore baad habkood u egtahoo,
Alla ku hibeeyey hidda dhaxashee,
Biyo harac laan haraad u dhintee,
hadaanan ku helin hog baan galiyoo,
Habaaska iyo ciidda la igu habsii.

Shamso Food.

-Hirba isidoo habaabka cidlee,
waxaan hinqadaa markaad hadashee,
Halboylaha dhiika muu habayoo,
waxaan harsadaa markaan ku helee,
Biyo harac laan haraad u dhintee,
hadaanan ku helin hog baan galiyoo,
Habaaska iyo ciidda la igu habsii.

Hussein Shire.

-Sidii ilmo hooyadii ka tagtoo
horaadka ay siinin baan hinqadee
hawaawirayoo huq baa idishoo
hadaadan hab isiin ma hiil baxayee
Biyo harac laan haraad u dhintee,
hadaanan ku helin hog baan galiyoo,
Habaaska iyo ciidda la igu habsii


Both. (Hussein iyo Shamso)

Biyo harac laan haraad u dhintee,
hadaanan ku helin hog baan galiyoo,
Habaaska iyo ciidda la igu habsii.
14 سال پیش در تاریخ 1389/07/12 منتشر شده است.
430,602 بـار بازدید شده
... بیشتر