Axmed Mooge hees Aan Damaq Jacayl | Iyadoo Doog Dhex Jiifto | Aan Damaq Jacayl lyrics | mudugboy

DHUGMAAL LYRICS
DHUGMAAL LYRICS
813.5 هزار بار بازدید - 2 سال پیش - HEESTA : AAN DAMAQ JACAYL
HEESTA : AAN DAMAQ JACAYL
ERAYADA: AXMED SALEEBAAN BIDE
CODKA : AXMED MOOGE LIIBAAN
LYRICS: DHUGMAAL LYRICS

QORAALKA HEESTA (LYRICS)
✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍✍

Aan damaq jacayl
Dad is raba warkood
Kaa daadajee
Waxay ugu darnayd
Markii aan dul imid
Taan dunida rabay

Iyadoo doog dhex jiiftoo
Daawanaysa ubaxoo
Soo raaxa damacdayo
Durba garayskii furatayo
Sii daysay timihii

Aan idhi ma daysaa
Mise waad dugsiisaa
Dibnaha ma isa saartaan
Yaa dooq u heli jirayeey
Dadoow maxaad ku tali Laheyd.

Aan dad iyo maal
Deeqaha ilaah
Kaa daadaajee
Mara waxaan i deynayn
Dumar iyo dhibtood
Oo ila durgee

Wuxuu sida daruuraha
Sagal waa’u daalacay
Waa mid muuqa dahab loo
Hadaan anigu daynlaa
Wax baa igu dirqinayee

Aan idhi ma daysaa
Mise waad dugsiisaa
Dibnaha ma isa saartaa
Yaa dookh u heli jirayeey
Dadoow maxaad ku fali Lahayd

#dhugmaal_lyrics #axmed_mooge
2 سال پیش در تاریخ 1401/06/10 منتشر شده است.
813,574 بـار بازدید شده
... بیشتر