HEESTII JEENAN

Jaalle Allamagan
Jaalle Allamagan
129.9 هزار بار بازدید - 10 سال پیش - jaalleallemaganTHE LEGEND
jaalleallemagan
THE LEGEND . CABDI XASAN  (DIGE) .
Dige waa fannaan cod macaan. heestaan waxaa alifay Aun Abwaanka weynaa Sahal Macalin Ciise.

Adoo joogsan waayoo
jugta wadanaha gaadhiyo
jiro ay ku heyso
jilbahana lagu ridee


jeenanka  tii ku siin laheyd
jeenanka  midii ku siin laheyd

Hadey kulaba joogin
soow iil ma jiifteen


Ruuxaa jeclaatay
oo beer jileec leh
jinni kaama celiyee

Hadey laabtu kaa jeedo
adna jab kuma laabnee

Dumar taad ka jamaatee
Hadduu  jeceylku lacag yahay
jowhar iyo luul yahey
'''


Adoon  jawaab xun aan oran
jawaab xumi  adoon oran
Jidka hadey kuu orodo
jirku siduu ku noqon lahaa

Ruuxaa jeclaatay
oo beer jileec leh
jinni kaama celiyee

Hadey laabtu kaa jeedo
.....................
adna jab kuuma laabnee

Jahanama ma doontoo
Anoo nabad u jiifsaday
jalfis ma isku waaloo
jid dhexdiis ma seexday

Lug ninkii is jabiyaa
asagaa koley u jiisee
jiso taan ka filaayey
jees jees ma ii dayday

Ruuxaa jeclaatay
oo beer jileec leh
jinni kaama celiyee

Hadey laabtu kaa jeedo
.....................
adna jab kuuma laabnee
10 سال پیش در تاریخ 1393/11/18 منتشر شده است.
129,927 بـار بازدید شده
... بیشتر