Baro Sida Coos Bila Caro loo abuuro_7 Bari oo kaliya kubaxaayo. hydroponic grass step by step

Abdihaliim Ali
Abdihaliim Ali
90.9 هزار بار بازدید - 5 سال پیش - Qaabka loo beero coos bilaa
Qaabka loo beero coos bilaa caro kuna baxaxaayo 7 maalin

miraha aad isticmaali kartid waa miraha Galeeyda Qamadiga iyo miraha masagada

1-marka koowaad waxaa miraha kudhaqeeysaa biyo diiran
2-kadibna waxaa kudhaqeeysaa biyo cusbo leh si uusan ugu dhalan fungi
3-intaa kadib waxaa ladhigeeysaa biyo nadiif ah 12 saacadood
4-markeey udhamaato waa biraacineeysaa biyahana waa kamiireysaa
5- waxaa kuhuurineeysaa weeyl dawoolan, dawolka waa inuu lahaadaa meel ee kasoogali karto hawo miraha waxeey ubaahan yihiin Hawwo, waxaana huurineeysaa 24 saacadood ilaa uu xidid kasoosaaraayo.
6-markaaad aragtid in xididku soo baxay waxaad ku fidineeysaa sheey fidsan oo aanan biyaha ceshaneyn mirahana kuu celinaayo oo waliba nadiif ah . una yeel dulduleylo si biyaha ugu hooran.
7-Dhig meel kala koreeyso si biyaha uga hooraan hana dhigin meel siman sawabtoo ah hadii uuceshado biyaha miraha weey candharayaan.
8-Waraabine markasto hadii xili qaboow ah lagu jiro waxaa waraabineysaa 4 tii saac eekasto, hadii lagu jir kuleylahana waxaa waraabineeysaa 2 dii saac oo kasto.

Maxeey tahay faaidada uu leeyahay

1-Wuxuu leeyahay nafaqo kabadan marka loo fiiriyo kuwa lugu beero carada, wuxuuna kakooban yahay Macaadin, Vitamin no iyo carbohydrate.
2-Biyo badan uma baahno 1kg oo cooskaan ah wuxuu ubaahan yahay 3-4L oo Biyo  ah halka kan carada lagu beeraayo uu ubaahan yahay 70-90L oo Biyo ah.
3-waqtiga uu kubaxaayo wuu yar yahay xoolahana nafaqo ayuu uleeyahay, neefkii lasiiyaaa wuukawada faaiideeysanaa saxaradiisana weey yaraaneysaa. Xoolaha meel kuxiran markaad siineysid uraaci cunto qalalan sida Buunshada.
4-hadii aad dhaqatid digaag waad siisan kartaa wuuna jecelyahay.
5-Hadii 1kg oo Galeey aad isticmaashid waxeey kuusoosaareeysaa 8kg oo coos tayo leh ah.

Galeeyda ayaana intabadan la isticmaalaa ayadaana kawacan Masagada, masagada waxaa laga yaabaa neefka kusumoowo.
5 سال پیش در تاریخ 1398/05/04 منتشر شده است.
90,955 بـار بازدید شده
... بیشتر