Taariikhdii halyey Maxamuud Xarbi oo kooban

Sollas Media
Sollas Media
136.9 هزار بار بازدید - 8 سال پیش - Magaca  Maxamuud xarbi wuxu bulshada
Magaca  Maxamuud xarbi wuxu bulshada Soomaliyeed ku dhex faafay bartamaha qarnigii labatanaad , wakhtigaas oo dabaysha  xoriyaddu geeska Afrika  saamaysay.

Maxamuud Xarbi  halyeey reer jabuuti ah oo kaliya maha ee waa geesi  geeryooday isagoo raadinaya qadiyadda dareenkedu ina daayey ee Soomaliweyn.

Nasiib wanaag goobo badan oo ku yaala dalka Jabuuti ayaa maamuus awgeed  loogu magac daray  Maxamuud Xarbi , waxaa jira koox faneed ka dhisan jabuuti oo layiraahdo Xarbi Lagacta jabuuti laga isticmaalana qarkamid ah waxaa lagu xardhay wajiga halyeyga.
Manhajka waxbarasho ee  dugsiyada hoose /dhexe ee Soomaliya  gaar ahaan maadada Sooyaalka waxaa ku jira casharo taariikheed oo ardayda lagu barayo noloshii siyaasadeed ee Maxamuud xarbi.

Inkastoo dareenkii jiray lixdankii  ee Soomaliweyn lagu baadigoobayey uusan maanta jirin oo uu quluubteena ka dhaqmay oo Jmahuuriyaddii Soamliyeed maamul goboleed usii kala baxday saas oo ay tahay  wali waxaa  inoo furan in aynu maamusno  magacyada marxuumin  duco mudan oo akhira jira  oo  dhaxal raagaya inoo reebay .
8 سال پیش در تاریخ 1395/01/18 منتشر شده است.
136,973 بـار بازدید شده
... بیشتر